Chelsea oo hal tallaabo u jirta inay si rasmi ah heshiis kordhin ugu sameyso labo ka mid ah xiddigaheeda muhiimka & Qorshahaas oo daaqadda ka saaray mustaqbalka laacib kale

(London) 13 Dis 2021. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa lasoo warinayaa inay ugu dambeyn xal u heshay qaar ka mid ah xiddigaha qandaraasyadoodu ay dhacayaan dhammaadka xilli ciyaareedkan iyadoo illaa iyo afar ka mid ah difaacyadeeda ay halis ugu jirto inay bilaash ku weyso dhammaadka xilli ciyaareedkan, hase ahaatee, wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya inay ku dhowdahay inay qandaraaska u kordhiso Andreas Christensen iyo Thiago Silva.

Thomas Tuchel has transformed Chelsea in his first 100 days as they look to  Champions League final | Daily Mail Online

Sida laga soo xigtay suxufiga suuqa kala iibsiga ka faalooda ee Gianluca Di Marzio, Blues ayaa wada-xaajood heer wacan maraya la sameysay wakiillada labada difaac si ay qandaraaska ugu kordhiso maadaama y muhiim u yihiin shaxda Macallin Thomas Tuchel.

Qandaraasyada labada xiddig ayaa dhici doona dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxaana saameynta waayo-aragga reer Brazil ee qolka labiska iyo garoonka ay Chelsea ku riixday inay sanad kale oo dheeraad ah heshiiskiisa ugu kordhiso, halka difaaca reer Denmark ee kasoo baxay kulyadda dhalinyarada naadiga uu isna qayb libaax leh ka qaadanayo mashruuca Tuchel ee uu ku doonayo hanashada Premier League.

Hase ahaatee, taas baddelkeeda, kooxda heysata horyaalnimada Yurub ayaa guud ahaan meel iska dhigtay dadaallada ay heshiiska ugu kordhin lahayd Antonio Rudiger, waxaase ay ku kalsoontahay hubinta mustaqbalka Christanse iyo Thiago Silva.

Antonio Rudiger provides major update on Chelsea future amid exit rumours |  Metro News

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close