Shaxda rasmiga ah kulanka Kooxaha Osasuna iyo Barcelona ee horyaalka La Liga oo la shaaciyey… (Umtiti & Gavi oo ku billowday safka Barca)

(Pamplona) 12 Dis 2021. Shaxda rasmiga ah kulanka Kooxaha Osasuna iyo Barcelona ee horyaalka La Liga ayaa la shaaciyey.

Barcelona ayaa raadineysa inay ku soo laabato waddada guulaha marka ay maqribnimada maanta booqato naadiga Osasuna ciyaar ka tirsan horyaalka La Liga kaddib labadii guuldarro ee sida xiriirka kaga soo gaartay Real Betis iyo Bayern Munich kulammo ka kala tirsan horyaalka iyo Champions League.

Osasuna ayaa ku jirta kaalinta 11-aad ee jadwalka kala sarreynta horyaalka dalka Spain iyadoo leh 21 dhibcood, halka ay Barca ku jirto kaalinta siddeedaad iyadoo leh 23 dhibcood inkastoo ay kulan baaqi ah heysato.

Safka Kooxda martida ah ee Barcelona waxaa ku billowday Umtiti, halka sidoo kale ay garoonka ku soo wada billowdeen Gavi & Dembele.

SAFAFKA RASMIGA EE LABADA KOOXOOD HALKAAN HOOSE KA EEG:-

Osasuna XI:

Image

Barcelona XI:

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close