Madrid derby: Real Madrid oo garoonkeeda Santiago Bernabéu guul ay u qalantay kaga gaartay Atletico Madrid… +SAWIRRO

(Madrid) 12 Dis 2021. Real Madrid ayaa garoonkeeda Santiago Bernabéu guul guul kaga gaartay kooxda Atletico Madrid, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0 kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Real Madrid.

Daqiiqadii 16-aad kooxda Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Karim Benzema oo gool cajiib ah daba marsiiyay shabaqa uu ilaaliyaha ka yahay goolhaaye Jan Oblak, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Vinícius Júnior.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

57 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Marco Asensio oo cawin ay kaga timid Vinícius Júnior ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Real Madrid.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-0 ay kaga adkaatay Real Madrid kooxda Atletico Madrid oo ku soo booqatay garoonka Santiago Bernabéu, Los Blancos ayaa sii dheereysatay hoggaanka horyaalka La Liga waxayna leedahay 42 dhibcood, 8 dhibcood nadiif ah ay ka sarreysaa kooxda booska labaad ku jirta ee Sevilla.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close