Macallin Mikel Arteta oo si gambasho la’aan ah u sheegay sababtii uu Pierre-Emerick Aubameyang uga reebay safka ciyaartii Southampton

(London) 12 Dis 2021. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa shalay guul raaxo leh ka gaartay naadiga Southampton iyadoo ku garaacday 3-0, waxaase ka maqnaa kabtankooda Pierre-Emerick Aubameyang oo uu ciyaartan ka reebay Macallin Mikel Arteta sida uu isaga xaqiijiyay ciyaarta kaddib.

Shirkii jaraa’id ee ciyaarta kaddib ayuu Arteta qiray inuu Aubameyang jebiyay xeer anshax oo kooxda u yaallay, taasna ay sababtay inuu guud ahaan safka ka reebo, isagoo dhinaca kale iska fogeeyay inay jiraan arrimo shaqsi ah inay kala dhexeeyaan weeraryahankiisa.

“Nasiib darro, waxaa u sabab ahayd jebinta xeer anshaxa” ayuu ku jawaabay markii la weydiiyay sababta maqnaasha xiddiga reer Gabon.

Macallinka reer Spain ayaa intaas sii raaciyay xeerar u yaalla xiddigaha kooxda aysan qofna garab siin karin si uu u jebiyo sidaas darteedna Aubameyang uu qabtay sharci kooxda u yaalla, waxaana uu sidoo kale iska fogeeyay inay jiraan arrimo si shaqsi ah ugala dhexeeya laacibkii hore ee Borussia Dortmund kaddib markii Falanqeeye Garry Neville uu sheegay inay labadan qof isku fiicneyn.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close