Kooxda Osasuna oo taako u dhigtay Barcelona oo soo booqatay… +SAWIRRO

(Pamplona) 12 Dis 2021. Kooxda Osasuna ayaa taako u dhigtay Barcelona oo soo booqatay kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 2-2 ah, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobadkan ee horyaalka Spain.

Qeybta hore ee dheesha ayeey labada kooxood  Osasuna iyo Barcelona ku kala mareen barbardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 12-aad kooxda martida ahayd ee Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay Nico González kaddib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis Gavi.

14 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay durba kooxda Osasuna ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay David García oo caawin ay kaga timid Jon Moncayola.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 49-aad Barcelona ayaa markale hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-2 ka dhigay laacibkooda A. Ezzalzouli.

Laakiin 87 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Osasuna ayaa markale dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 2-2 ka dhigay xiddigooda Ezequiel Ávila

Ugu dambeyntii kulanka ayaa ku dhammaaday barbardhac 2-2 ah ay ku kala baxeen kooxaha Osasuna iyo Barcelona kaddib ciyaar aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka El Sadar.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close