Kooxaha PSG, Barcelona iyo Juventus oo qorsheynaya saxiixa xiddig muhiim ka ah Man United

(Paris) 12 Dis 2021. Paris Saint-Germain ayaa dooneysa inay la soo wareegto mid ka mid ah ciyaartoyda ugu caansan safka hore ee Manchester United xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Radio Monte Carlo kooxaha Paris Saint-Germain iyo Lyon waxay wada doonayaan inay helaan adeega weeraryahanka Manchester United ee Anthony Martial, suuqa jiilaalka ee soo socda.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan Paris Saint-Germain ay u aragto Martial mid ka mid ah beddelka Kylian Mbappé, kaasoo laga yaabo inuu ka tago garoonka Parc des Princes, xagaaga soo aadan, kacdib marka uu dhaco qandaraaskiisa.

Radio Monte Carlo ayaa sharaxay in Anthony Martial uu raadinayo fursad uu kaga tago Old Trafford, wakiilkiisa ayaana dhawaan warbaahinta sidaas u sheegay.

Kooxaha Barcelona iyo Juventus ay sidoo kale isha ku hayaan horumarka ku saabsan xaaladda Anthony Martial ee kooxda Manchester United.

Qandaraaska Anthony Martial ee Manchester United ayaa dhacaya ilaa xagaaga 2024, iyadoo uu jiro qodob u ogolaanaya Red Devils inay qandaraaska u kordhiyaan xilli ciyaareed kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close