Manchester United oo si dirqi ah guul kaga soo gaartay kooxda Norwich City oo ay booqatay… +SAWIRRO

(Norwich) 11 Dis 2021. Manchester United ayaa si dirqi ah guul kaga soo gaartay kooxda Norwich City oo ay booqatay ku booqatay garoonka Carrow Road, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada Isbuuca 16-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Norwich City iyo Manchester United ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 75-aad kooxda Manchester United ayaa lagu abaal-mariyay rigoore waxaana gool ugu badalay Cristiano Ronaldo oo ciyaarta ka dhigay 0-1 ay ku hoggaamineysay Red Devils.

Ugu dambeyntii kulanka ayaa ku dhammaaday 0-1 ay kaga soo adkaatay Manchester United kooxda Norwich City oo ay booqatay ku booqatay garoonka Carrow Road, United-ka ayaa dib ugu soo laabatay booska 5-aad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, iyada oo leh 27 dhibcood.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close