Liverpool oo garoonkeeda Anfield guul dirqi ah kaga gaartay kooxda Aston Villa… +SAWIRRO

(Liverpool) 11 Dis 2021. Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield guul dirqi ah kaga gaartay kooxda Aston Villa, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada Isbuuca 16-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Liverpool iyo Aston Villa ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 67-ad kooxda Liverpool ayaa lagu abaal mariyay rigoore waxaana gool ka dhigay gooldhaliyahooda reer Masar ee Mohamed Salah, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 1-0 ay ku hoggaamineysay Reds.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-0 ay Liverpool kaga adkaatay kooxda Aston Villa oo marti u ahayd, Reds ayaa waxay wali ku jirtaa kaalinta labaad ee kala sareynta horyaalka Premier League, waxayna leedahay 35 dhibcood.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close