Arsenal oo saddexda dhibcood si sahlan kaga qaadatay kooxda Southampton oo marti ugu ahayd garoonka Emirates… +SAWIRRO

(London) 11 Dis 2021. Arsenal ayaa saddexda dhibcood ka qaadatay kooxda Southampton oo marti ugu ahayd garoonka Emirates, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada Isbuuca 16-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda kubadda cagta Arsenal.

Daqiiqadii 21-aad Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Lacazette, waxaana goolkan ka caawiyay Saka.

27 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Oedegaard oo caawin ay kaga timid Kieran Tierney ayaa wuxuu ciyaartaka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Gunners.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 62-aad Gabriel oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Martinelli ayaa wuxuu hoggaanka u dheereeyay kooxdiisa Arsenal wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-0 ay ku hoggaamineysay Gunners

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-0 ay Arsenal kaga adkaatay kooxda Southampton oo marti ugu ahayd garoonka Emirates, Gunners ayaa kaddib guushan ay gaartay waxay soo gashay booska shanaad ee dhanka kala sareynta horyaalka Premier League, waxayna leedahay 26 dhibcood.

SAWIRRO:

Image

ImageImage

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close