RASMI: Tababaraha ku guuleysatay abaal-marinta macalinka bisha November ee Premier League oo la shaaciyay

(England) 10 Dis 2021. Waxaa la shaaciyey tabaraha ku guuleystay abaal-marinta macalinka bishii November ugu fiicnaa ee horyaalka Premier League, waxaana ku tartamayay magacyada macalimiin wacdaro ka dhigay horyaalka bishii la soo dhaafay.

Sida lagu xusay bogga rasmiga ah Twitter-ka ee horyaalka Premier League tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ku guuleystay abaal-marinta macalinkii ugu fiicnaa horyaalka Premier League ee bishii lasoo dhaafay ee November.

Pep ayaa ku hoggaamiyay kooxda Manchester City inay wada guuleysato saddexdii kulan ay ka wada ciyaartay horyaalka Premier League bishii la soo dhaafay ee November.

Macalinka reer Germany ayaa ku guuleystay abaal-marintan, kaddib markii uu ku garaacay tababaraha kooxda Aston Villa ee Steven Gerrard, kan kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp.

Guardiola claims January 2021 Barclays Manager of the Month award

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close