Bojan oo fariin u diray kooxdiisii hore ee Barcelona kaddib markii laga soo ciribtiray Champions League

(Barcelona) 10 Dis 2021. Xiddigii hore Barcelona ee Bojan Krkic ayaa xaqiijiyay in ku biiritaanka Blaugrana ee tartanka Europa League ay fursad u tahay kooxda, sida uu hadalka u dhigay.

Bayern Munich ayaa ka ciribtirtay Barcelona tartanka Champions League una jartay tikitkeeda tartanka Europa League, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada lixaad wareega group-yada ee tartanka Champions League.

Haddaba wargeyska Marca ee dalka spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay xiddigii hore Barcelona ee Bojan Krkic, wuxuuna yiri:

“Tartanka Europa League waxaan u arkaa inay fursad u tahay dadka Barcelona, sababtoo ah waxay wali kooxda ku jirtaa tartan Yurub ah.”

“Waa inaan ugu qeyb galnaa si aan ugu guuleysano, iyada oo la muujinayo ixtiraamka uu mudan yahay tartanka, waxaan ka hadleynaa tartan muhiim ah oo heer Yurub ah.”

Mar uu ka hadlayay Bojan waayihiisii kooxda reer Catalonia, wuxuuna yiri:

“Markii aan joogay Barcelona, ​​waxaan u maleeyay inaysan jirin wax kubad ah oo ka baxsan Barcelona, ​​hadda waxaa dhacay dhowr isbedel, waxaana tijaabiyay dhaqamo kala duwan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close