Xiddiga PSG ee Georginio Wijnaldum oo Albaabada u furay ku soo laabashada horyaalka Premier League & Arsenal oo…

(Paris) 09 Dis 2021. Laacibka khadka dhexe uga ciyaara Paris Saint-Gemain ee Georginio Wijnaldum ayaa si cad u qiray inuusan ku faraxsaneyn sii joogista kooxdiisa isagoo albaabada u furay ku laabashada horyaalka Premier League oo uu sanadihii dambe ka ciyaarayay kahor inta uusan xagaagii kusoo biirin PSG.

Xiddigii hore ee Liverpool ayaa ku guuldarreystay inuu caasimadda Faransiiska ka helo fursaddii uu k filayay markii uu suuqii xagaaga ugu biirayay beeca xorta ah waxaana isagoo la hadlayay warbaahinta NOS uu sheegay inuusan guud ahaan ku faraxsaneyn xaaladda uu kooxdiisa ku qaadanayo.

“Ma dhihi karo si buuxda ayaan u faraxsanahay, maxaa yeelay xaaladdu ma ahan sidii aan rabay” ayuu Wijnaldum u sheegay warbaahinta kasoo baxda dalkiisa Netherlands.

PSG ayaa fahansan yahay inay diyaar u tahay inay Wijnaldum u ogolaato inuu baxo bisha soo socota, sida laga soo xigtay Sky Sports.

Arsenal ayaa la rumeysan yahay inay ka mid tahay kooxaha xiiseynaya saxiixa laacibkan khadka dhexe.

Wijnaldum ayaa ciyaaryahan muhiim ah ka ahaa Liverpool sanadihii ugu dambeeyay, Macallin Jurgen Klopp ayaana doonayay inuu sii haysto 31-sano jirkaan xagaagii hore.

Waxa uu haatan Wijnaldum cadaadis badan ku dareemayaa ka hoos shaqeynta Macallin Mauricio Pochettino, iyadoo aysan hubanti u ahayn booskiisa safka hore, waxaana uu loollan adag oo ku aaddan booskiisa kala kulamayaa xiddigaha kala ah; Marco Verratti, Danilo Pereira, Ander Herrera, Idrissa Gueye iyo Leandro Paredes.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close