Waa tee Kooxda weyn ee ka dheesha horyaalka Premier League oo doonaysa inay xagaagan la soo wareegto Joao Felix?

(Yurub) 08 Dis 2021. Koox ka mid ah lixda Naadi ee ugu waa weyn horyaalka Premier League ayaa doonaysa inay la soo wareego xiddiga naadiga Atletico Madrid ee Joao Felix.

Manchester City ayaa la warinayaa inay doonayso inay u dhaqaaqdo soo xero-gelinta Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid ee Joao Felix dhammaadka xilli ciyaareedkan, si uu qeyb uga noqdo dib u dhiska kooxda ee xagaaga, sida uu warinayo Warsidaha Fichajes.

Sky Blue kooxda lagu naanayso ayaa bartilmaameedsanaysa suuqa xagaaga ciyaaryahan Joao Felix, iyadoo Tababare Pep Guardiola uu doonayo inuu dib u dhis ku sameeyo kooxdiisa Man City dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Felix ayaa la sheegay inuusan ku faraxsanayn dalka Spain kaddib markii ay isku dhaceen Macallinka Kooxda Atletico Madrid ee Diego Simeone.

Sidaas darteed Man City ayaa diyaar u ah inay u dhaqaaqdo ciyaaryahankan  Felix – kaasoo wax ka badan 100 milyan oo gini kaga soo biiray Atletico Kooxda Benfica, waxaana laga yaabaa inay ka dhigto mid ay iska iibiyaan suuqa xagaagan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close