Real Madrid oo qorsheynaysa inay qandaraaska u kordhiso Luka Modric… (Imise ayaa la gaarsiinayaa?)

(Madrid) 08 Dis 2021. Sida wararku ay sheegayaan kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa qorshaynaysa inay qandaraaska u kordhiso laacibkeeda khadka dhexe ee Luka Modric.
Suxufiga dhanka suuqa wax ka qora ee Fabrizio Romano ayaa rumeysan in Los Blancos ay qorshaha ku darsatay inay qandaraas cusub ku abaal-mariso Modric.
“Real Madrid waxa ay qorshaynaysaa inay kordhiso heshiiska Luka Modric, isla markaana ay gaarsiiso illaa sanadka 2023-ka, ujeedada labada dhinac waxa ay ahayd mid cad tan iyo bilihii ugu dambeeyey, shaqada in la gaaro heshiiska waa mid socota” ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.
Waxaana Romano uu qormadiisa raaciyey in Macallin Carlo Ancelotti iyo ragga ay ka go’do talada Kooxda Real Madrid ay u arkaan Modric ciyaaryahan muhiim u ah.
Gool FM.