Modrić oo diray farriin xiiso leh kaddib guushii ay Real Madrid ka gaartay Inter

(Madrid) 08 Dis 2021. Xiddiga Real Madrid ee Luka Modric ayaa xaqiijiyay inuu dareemayo inuu ka yar yahay 30 sano jir, isla markaana uu awoodo inuu soo bandhigo heerarka ugu sarreeya.

Real Madrid ayaa saddexda dhibcood ka qaaday kooxda Inter oo marti u ahayd, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, waxaana goolasha Los Blancos u kala dhaliyay xiddigaha kala ah T. Kroos iyo M. Asensio, iyada oo group-kan D ay ka soo baxeen labada kooxood Real iyo Inter.

Xiddiga khadka dhexe kooxda Real Madrid ee Luka Modrić ayaa ciyaarta kadib u sheegay warbaahinta:

“Waan ku faraxsanahay qaab ciyaareedka iyo guusha sababtoo ah waxay naga dhigeysaa inaan iska ilaalino kooxaha xoogan wareega 16-ka.”

“Waxaan dareemayaa wanaag, mana ka fekerayo da’ada, waxa ugu muhiimsan waa qaab ciyaareedka, waxaana dareemayaa inaan ka hooseeyo 30 jir.” Ayuu yiri Luka Modric.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close