Macallin Roberto Mancini oo ka hadlay wararka sheegaya inuu heshiis afka ah la gaaray Kooxda Manchester United

(Manchester) 08 Dis 2021. Tababaraha la la xiriirinayo shaqada Kooxda kubadda cagta Manchester United ee Roberto Mancini ayaa beeniyey wararka sheegayaa inuu heshiis afka ah la gaaray naadigaas, kaasoo dib ugu soo celinaya horyaalka Premier League.

Tababarahan Talyaaniga ah, kaasoo soo maamulay Kooxda Manchester City intii u dhaxaysay 2009 iyo 2013 ayaa ku adkeysanaya inay weli si buuxda uga go’an tahay doorkiisa xulka qaranka.

“Heshiis afka ah oo aan la galay koox Premier League ah? Dhammaan waa been,” Mancini ayaa sidaas u sheegay Jariiradda Gazzetta dello Sport.

“Hadafkeyga kaliya ayaa ah inaan aado Koobka Adduunka oo aan awood u yeesho inaan ku guuleysto”. ayuu hoggaamiyaha xulka Talyaaniga ku daray hadalkiisa.

Roberto Mancini ayaa la la xiriirinayey inuu Macallin joogto ah u noqon doono kooxda Manchester United oo dhowaan macallinkeeda ku meel gaarka ah u magacaabay Tababaraha Jarmalka ah ee Ralf Rangnick.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close