Bayern oo u jartay Barcelona tikitkeeda Europa League & guud ahaan natiijooyinka kulammadii caawa laga ciyaaray tartanka UCL… SAWIRRO

(Yurub) 08 Dis 2021. Bayern Munich ka ciribtirtay Barcelona tartanka Champions League una jartay tikitkeeda tartanka Europa League, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada lixaad wareega group-yada ee tartanka Champions League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Bayern Munich.

Daqiiqadii 34-aad kooxda Bayern Munich ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Thomas Müller saaxiibkiis Robert Lewandowski.

CAJIIB 43 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Leroy Sané oo caawin ay kaga timid saaxiibkiis Kingsley Coman ayaa wuxuu gool mucjiso ah ka dhaliyay shabaqa goolhaayaha Barcelona ee Ter Stegen, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Bayern Munich.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 62-aad kooxda Bayern Munich ayaa dheereysatay hoggaanka ciyaarta waxaana 3-0 kadhigay Jamal Musiala kaddib markii uu goolkan ka caawiyay Alphonso Davies.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-0 ay kaga adkaatay Bayern Munich kooxda Barcelona oo marti ugu ahayd garoonka Allianz Arena, xilli kulankan uu ahaa kulankii lixaad ee ugu dambeeyay group-ka E, waxaana ka soo gudbay labada kooxaha Bayern iyo Benfica.

Haddaba halkan hoose ka eeg natiijooyinka dhammaan kulammadii caawa laga ciyaaray wareega Gruubyada ee tartanka Champions League:

Group E –

Bayern Munich 3-0 Barcelona

Benfica 2-0 Dynamo Kyiv

Group F –

Manchester United 1-1 Young Boys

Group G –

FC Salzburg 1-0 Sevilla

Wolfsburg 0-3 Lille

Group H –

Juventus 1-0 Malmo FF

Zenit St. Petersburg 3-3 Chelsea.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close