Horudhac: AC Milan vs Liverpool… (Maxay Rossoneri u baahan tahay si ay ugu soo baxdo wareegga 16-ka Champions League?)

(Milan) 07 Dis 2021. Kooxda kubadda cagta AC Milan ayaa weli usoo bixi karta wareegga bug-baxda tartanka Champions League kaasoo kulankii ugu dambeeyay heerkan ay kula balansan tahay naadiga Liverpool caawa.

Milan ayaa la garaacay saddexdii kulan ee ugu horreysay tartanka horyaallada Yurub xilli ciyaareedkan oo ay kusoo laabatay kaddib toddobo sano oo ay ka maqneyd, hase ahaatee, barbarro ay la gashay FC Porto iyo guul ay ka gaartay Atletico Madrid ayaa ka dhigtay inay booska saddexaad afar dhibcood la fadhiso iyadoo dhibic ka dambeysa Porto oo booska labaad kaga jirta guruubkan B.

Haddii ay Rossoneri adkaato, isla markaana ay Porto guuldarro ama barbarro la kulanto, kooxda Taliyaaniga ka dhisan waxay heli kartaa fursad ay ugu soo baxdo wareegga xiga xilli Reds ay goor hore booska koowaad xaqiijisay.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Yurub – Champions League

Saacadda ay bilaabaneyso ciyaarta: 11:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika

Garoonka: San Siro

Garsooraha: Srdjan Jovanovic (Serbia)

Wararka kooxaha:-

Milan ayaa la tacaaleysa dhaawacyada ugu daran kulankan iyadoo Macallin Stefano Pioli  uusan heysan lix ka mid ah xiddigahiisa muhiimka ah sida Alessandro Plizzari, Simon Kjaer, Davide Calabria, Olivier Giroud, Rafael Leao iyo Ante Rebic oo dhammaantood dhaawacyo kala duwan qaba.

Dhanka kale, Liverpool ayaa si la mid ah dhiggeeda weyneysa qaar ka mid ah xiddigaheeda safka koowaad oo dhaawacyo ka qaba sida Curtis Jones, Harvey Elliott iyo Roberto Firmino, halka James Milner uu ganaax hal kulan ah ku seegayo ciyaartan kaddib jaallihii saddexaad ee tartanka markii uu qaatay ciyaartii Porto.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Kani waa kulankii afaraad oo dhex mara labadan naadi, dhammaan kulammadaasna waxay ka tirsan yihiin tartanka Champions League, min hal guul ayay ka heystaan saddexdii is-arag ee hore, halka midna uu barbarro ku dhammaaday kaasoo ugu dambeyn ay Liverpool rigooreyaal ku garaacday Milan fiinaalkii Champions League ee 2005.

Milan ayaa raadineysa guushii ugu horreysay ee ay tartan Yurub ah kaga gaarto koox Ingiriis ah tan iyo February 2012, markaas oo ay 4-0 ku xaaqday Arsenal kulan ka tirsanaa wareegga 16-ka Champions League, lix ciyaar oo ka dambeysay kulankaasna shan ka mid ah waa la garaacay, midna barbarro ayay gashay.

Liverpool ayaa guuleysatay dhammaan shantii ciyaarood ee ay Champions League dheeshay xilli ciyaareedkan, waxayna dooneysaa inay noqoto kooxdii ugu horreysay ee Ingiriis ah ee rikoor 100% kasoo hoyda wareegga guruubyada hal xilli ciyaareed, iyadoo sidoo kale eegeysa inay lix kulan oo xiriir ah tartanka horyaallada Yurub adkaato markii ugu horreysay taariikhdeeda.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

AC Milan:

Liverpool:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close