“Waxaan ka tirsanahay koox doonaysa inay ku guuleysato Champions League, waxaan ahay Parisian” – Mbappe oo ka hadlay mustaqbalkiisa PSG

(Paris) 06 Dis 2021. Kylian Mbappe ayaa qiray inuusan meesha ka saari karin inuu sii joogayo Paris Saint-Germain, xilli xiddig xulka qaranka Faransiiska si aad ah loola xiriirinayey u dhaqaaqista Kooxda Real Madrid dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Qandaraaska Weeraryahankan ee Kooxda PSG ayaa ku eg dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxaana si weyn loo filayey inuu u dhaqaaqi doono Los Blancos weliba si bilaash ah.

Yeelkeede, waxa uu Mbappe diiday inuu meesha ka saaro suuro-galnimada uu heshiiska ugu kordhin karo kooxda ka ciyaarta Ligue 1.

“Ma garanayo,” ayuu yiri Mbappe oo Wareysi siinayey Amazon Prime mar wax laga weydiiyey mustaqbalkiisa, waxaana uu ku daray hadalkiisa: “Maanta waa inaan wakhti qaataa, ma fududa, haddii aysan taas dhicinna koox weyn ayaan u ciyaari doonaa.”

“Ugu horreyn waan ka niyad-jabsanaa inaan bixin, laakiin hagaag kama tirsani koox heerka saddexaad ah, waxaan ka tirsanahay koox doonaysa inay ku guuleysato Champions League, waxaan ahay Parisian, waxaan haystaa qoys waana kuna qanacsanahay, mar walbana waan dhihi jiray, waxaanse doonayey inaan la kulmo wax cusub.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close