“Kordhinta qandaraaska Salah ma ahan sida in shah lala cabayo isaga” – Klopp

(Liverpool) 06 Dis 2021. Tababaraha kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa xaqiijiyay in wada xaajoodyada lagu cusboonaysiinayo heshiiska Mohamed Salah ee kooxda ay u baahan tahay waqti.

Klopp ayaa u muuqday mid degan mar wax laga weydiiyay sida ay u socdaan wada xaajoodka labada dhinac, kaddib markii uu ka soo muuqday shirka jaraa’id kahor kulanka ay habeenka Arbacada kula ciyaari doonaan AC Milan tartanka Champions League.

Macalinka reer Germany oo wax laga weydiiyay wadahadalada qandaraas kordhinta ee Mohamed Salah, ayaa wuxuu ku jawaabay:

“Wada xaajoodka iyo isku dayga in qandaraaska loo kordhiyo ciyaaryahan isaga oo kale ah maahan wax la mid ah inaad qof shaah la cabeyso oo kale, waa wax iska caadi ah.”

“Waxyaabo yar uun baan sheegi karaa laakiin ma hubo haddii si khaldan loo fasiri doono tani waa dhibaato.”

“Salah wuu fiican yahay, anigana waan fiicanahay, waxaan u maleynayaa waxa aan dhamaanteen dooneyno inay yihiin waxyaabo muuqda, waqti ayey qaadataa, waa intaas oo kaliya.” ayuu yiri Klopp

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close