Kooxda Liverpool oo u dhaqaaqaysa soo xero-gelinta xiddig ka tirsan Napoli… (Booskee ayuu ka ciyaaraa?)

(Liverpool) 06 Dis 2021. Sida wararku ay sheegayaan kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa indhaha ku haysa inay u dhaqaaqdo soo xero-gelinta xiddiga ka tirsan naadiga Napoli ee Fabian Ruiz.

Xiddiga xulka qaranka Spain ayaa laga yaabaa inuu ku sii jeedo garoonka Anfield sanadka 2022-ka.

Liverpool ayaa isku dayi doonta inay Ruiz kala soo saxiixato Napoli xagaaga soo socda iyadoo damacsan inay ku xoojiso qadkeeda dhexe sida laga soo xigtay Fichajes.

Reds ayaa 25-sano jirkan u aragta mid ku habboon inay kusoo darto khadkeeda dhexe iyadoo xiddiga reer Spain uu diyaar u yahay inuu talaabo hore ugu sii qaad xirfaddiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close