Kooxda Barcelona oo horumar ka sameysay wadahadallada ay kula jirto mid ka mid ah xiddigaha Chelsea

(Barcelona) 06 Dis 2021. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la soo warinayaa inay horumar ka sameysay wadahadallada ay kula jirto daafaca Chelsea ee Cesar Azpilicueta.

Warsidaha El Nacional ayaa warinaya in Barcelona ay wadahadalo horumar leh kula jirto Cesar Azpilicueta, iyadoo doonaysa inay u soo dhaqaajiso garoonka Camp Nou suuqa xagaaga sanadka 2022.

Kabtanka khibrada leh ee Chelsea ayaa lagu wadaa inuu noqdo mid lagu heli karo beeca xorta ah dhammaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo kooxda ka dheesha horyaalka La Liga ay diyaar u tahay inay daafaca heerka caalami ee xulka qaranka Spain dib ugu celiso dalkiisa hooyo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close