Ancelotti oo ku dhawaaqay liiska xiddigaha Real Madrid uga qeyb galaya kulanka Inter ee Champions League… (Yaa ka maqan yaase ku soo baxay?)

(Madrid) 06 Dis 2021. Waxaa la shaaciyey liiska xiddigaha kooxda kubadda cagta Real Madrid ugu qeyb galaya kulanka ay soo dhaweyn doonaan habeen dambe naadiga Inter Milan, kaasoo ay ku wada ciyaari doonaan tartanka Champions League.

Naadiga Los Blancos oo soo dhaweyn doonta kooxda Inter ayaa shaacisay liiska xiddigaha uga qeyb-galaya kulanka habeen dambe ay kuwada ciyaari doonaan tartanka Champions League.

Liiska kooxda Real Madrid waxaa hoggaaminaya xiddigaha kala ah Marco Asensio, Eden Hazard iyo Vinicius Junior, waxaana kulankan dhaawac ahaan kaga maqan weeraryahankooda Karim Benzema.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha Real Madrid uga qeyb-gaya kulanka habeen dambe ay kula ciyaari doonaan kooxda Inter tartanka Champions League:-

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close