Liverpool oo dooneysa inay sii xoojiso weerarkeeda iyadoo qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo xiddigan bartilmaameedka u ah Chelsea

(Liverpool) 05 Dis 2021. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dooneysa inay sii xoojiso safkeeda weerarka suuqa January ee soo aaddan kaddib markii Macallin Jurgen Klopp uu ka helay qaab-ciyaareedka xiddiga weerarka uga ciyaara naadiga FC Porto ee Luis Diaz.

Newcastle ready to splash out 80 million euros on Luis Diaz | Marca

24-sano jirkan ayaa qaab ciyaareed heer sare ah ku jira xilli ciyaareedkan 2021-22 kulammadii u ciyaaray naadigiisa Porto, waxayna wararku sheegayaan inay Chelsea qudheeda daneyneyso soo qaadashadiisa.

Sida laga soo xigtay wararka ka imaanaya dalka Portugal, Klopp ayaa doonaya inuu laacibkan reer Colombia kusoo daro kooxdiisa suuqa furmaya bisha soo aaddan iyadoo ay naadiga reer Portugal xiddigeeda ku qiimeyneyso 42 milyan oo gini.

Diaz ayaa 11 gool dhaliyay 13 kulan oo uu horyaalka u ciyaaray Porto xilli ciyaareedkan, waxaana uu kooxdiisa kula jiraa qandaraas dhici doona xagaaga 2024.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close