Kabtanta Arsenal ee Aubameyang oo bartilmaameed u ah shan naadi oo ay ku jiraan Barcelona iyo Real Madrid

(London) 05 Dis 2021. Kaddib shakiga weyn ee soo food saaray mustaqbalkiisa Arsenal, Pierre-Emrick Aubameyang ayaa diiradda u saaran illaa iyo shan naadi oo ka dhisan qaaradda Yurub kuwaasoo dhammaantood xiiseynaya adeeggiisa.

Qandaraaska Aubameyang uu kula jiro Gunners ayaa dhici doona xagaaga 2023 hase ahaatee, waxa uu lumiyay qaab-ciyaareedkii laguu yaqaannay isagoo lumiyay fursado qaali ah kulammadii Manchester United iyo Newcastle ee lasoo dhaafay, waxayna taasi dhalisay in markale laacibkan lala xiriiriyo inuu ka hayaamo Waqooyiga London.

Sida laga soo xigtay warsidaha Fichajes, Real Madrid, Barcelona, Atletico Madrid, AC Milan iyo Inter Milan ayaa dhammaantood beegsanaya inay lasoo wareegaan kabtanka Arsenal iyo xulka qaranka Gabon kaasoo la filayo inuu ku jiro maalmihiisii ugu dambeeyay Emirates, inuu January dhaqaaqo ayaana loo badinayaa sida uu warsidahan qabo.

Si kastaba ha ahaatee, Aubameyang ayaa Arsenal u dhaliyay 92 gool kaddib 162 kulan oo uu u saftay tartammada oo dhan tan iyo markii uu suuqii January ee 2018 kaga yimid kooxda Borussia Dortmund, balse nasiib darro, shabaqa ma uusan gaarin shantii ciyaarood ee ugu dambeysay Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close