Real Betis oo saddexda dhibcood ka soo qaadatay kooxda Barcelona oo ay ku booqatay garoonka Camp Nou… +SAWIRRO

(Barcelona) 04 Dis 2021. Real Betis ayaa saddexda dhibcood ka soo qaadatay kooxda Barcelona oo ay ku booqatay garoonka Camp Nou, kaddid markii ay kaga soo adkaatay 0-1, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Barcelona iyo Real Betis ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 79-aad kooxda Real Betis ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay laacibkooda Juanmi kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis Cristian Tello.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 0-1 ay kaga soo adkaatay Real Betis kooxda Barcelona oo ay ku booqatay garoonka Camp Nou, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka La Liga dalka Spain.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close