Origi oo guul muhiim ah farta ka saaray Liverpool oo booqatay Wolves, xilli Reds ay hoggaanka u qabatay Premier League… +SAWIRRO

(Wolverhampton) 04 Dis 2021. Liverpool ayaa guul dirqi ah ka soo heshay kooxda Wolves oo ay ku booqatay Molineux Stadium, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee Premier League, taasoo ka dhigtay in Reds ay hoggaanka u qabatay horyaalka.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Wolves iyo Liverpool ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 90 + 4 kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Divock Origi oo caawin ka helay Mohamed Salah.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 0-1 ay kaga soo adkaatay Liverpool kooxda Wolves oo ay ku booqatay Molineux Stadium, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada Isbuuca 16-aad ee horyaalka Premier League.

SAWIRRO:

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close