Ronaldo oo kiciyay xamaasadda taageerayaasha Man United kaddib RIKOODHKII uu xalay dhigay

(Manchester) 03 Dis 2021. Xiddiga kooxda Manchester United ee Cristiano Ronaldo ayaa muujiyay xamaasadiisa kaddib guushii ay xalay Red Devils ka gaartay naadiga Arsenal.

Manchester United ayaa ku garaacday garoonkeeda Old Trafford kooxda Arsenal, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-2, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Premier League.

Cristiano ayaa waxaa u suurtagashay inuu dhaliyo labo gool ciyaartii xiisaha badneyd ee xalay Old Trafford lagu marti geliyay, Arsenal ayaa ku bilaabatay dar-dar xoogan iyadoo bilowgii ciyaartaba u gool u dhaliyay ciyaaryahan Emile Smith Rowe.

Haddaba labadii gool uu xalay dhaliyay Ronaldo ayaa waxay ka dhigtay inuu noqdo ciyaaryahankii ugu horeeyay taariikhda ee 800 gool iyo wax ka badan ka dhaliya kooxihii uu u soo ciyaaray iyo sidoo kale xulka qaranka.

Cristiano Ronaldo waxa uu ciyaartii xalay ee Arsenal ku gaaray goolkiisii 801-aad, 130 gool wuxuu u dhaliyay Man United, halka Sporting Lisbon uu u dhaliyay 5 gool, 450 gool ayuu sidoo kale u dhaliyay Real Madrid, iyo 101 oo Juventus ah, iyada oo 115 gool uu u dhaliyay xulka qaranka Portugal.

Haddaba CR7 ayaa fariin xamaasad leh soo dhigay bartiisa Instagram-ka, waxaana uu yiri:

“Fikirkeena wuxuu durba diirada saaray kulanka soo socda, ma jirto waqti aan ku dabaaldegno, guusha maanta waxay aheyd mid aad muhiim u ah inaan dib ugu soo laabano wadada guusha, laakiin wali wadadu waa ay dheer tahay si aan ku gaarno meesha aan u soconno.”

“Hambalyo dhamaan asxaabteyda kooxda, ruuxda maanta aad ayay u wanagsaneyd, waxaana mahad gaar ah u jeedineynaa taageerayaasheenna, ma sameyn karno tan la’aantiin”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close