Ka bogo wax kasta oo uu Ralf Rangnick uga hadlay shirkiisa jaraa’id ugu horreeyay Man United….(Muxuuse ka yiri Ronaldo?)

(Manchester) 03 Dis 2021. Tababaraha cusub Manchester United ee Ralf Rangnick ayaa qabtay shirkiisa jaraa’id ugu horreeyay ee kooxda maanta oo jimco ah, kahor kulanka Axada soo aadan ay kula ciyaari doonaan Crystal Palace ciyaar ka tirsan kulammada Isbuuca 15-aad ee horyaalka Premier League.

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay la soo wareegtay tababare Ralf Rangnick, kaasoo muddooyinkii ugu dambeeyey la hadal hayey inuu qaban doono shaqada Man Utd.

Macallinka reer Jarmal ayaa kooxda Red Devils tababare ahaan u maamuli doona inta ka dhimman xilli ciyaareedkan, waxaana labo sano oo kale uu sii ahaan doonaa la taliye kooxda ah.

Ralf Rangnick oo qabtay shirkiisa jaraa’id ugu horreeyay ee kooxda Man United maanta oo jimco ah, ayaa wuxuu hadalkiisa ku biloobay:

“Waxaan uga mahadcelinayaa qof walba inuu goor hore ii yimid, malaha shirkani waa shirkii ugu horreeyay ee nolosheyda, marka Manchester United ay kula soo xiriirto si aad u qabato hawshan oo kale, ma diidi kartid,”

“Markii ay Chelsea hore ila soo xiriirtay si aan u tababaro kooxda, waxay igala hadleen inaan shaqada si ku meel gaar ah u qabto muddo 4 bilood ah, laakiin halkan 6 bilood iyo kaddib tababarkeyga kooxda waxaan ku shaqeyn doonaa labo sano oo ah door la-talin ah, taasoo ah dalab aan la diidi karin.”

“Manchester United waxa ay si cad iigala hadashay in aan shaqada la wareego muddo 6 bilood ah, kamaynaan hadlin waxa dhici doona xagaaga, haddii ay ra’yigayga waydiiyaanna waxa aan oran lahaa sidii aan laba jeer ku sameeyay Leipzig, taas oo ah inay wanaagsan tahay in aan la shaqeeyo muddo sanad ah.”

“Ujeedka ugu wayn ee aan leeyahay waa in ay kooxda ku raaxaysato isku dheeli tirnaanta, shalay waxa nalaga dhaliyay laba gool, haddii aynu eegno cel-celiska goolasha nalaga dhaliyay, waxa ay gaaraan laba gool kulankiiba, taas oo ah tiro badan.”

Intaas kaddib Ralf Rangnick ayaa wax laga weydiiyay Suurtagalnimada ay Man United ku yareyn karto farqiga dhibcaha ee u dhaxeeya iyada iyo seddexda kooxood ee hoggaamiyaasha horyaalka , waxaana uu yiri:

“Waxay ku xiran tahay guuleysiga kulamada, aad ayaan ugu hami weynahay, waxaan dooneynaa inaan helno xilli ciyaareed guul leh inta ugu badan ee suurtogalka ah, hadda waa inaan noqono kuwo macquul ah, farqiga noo dhexeeya annaga iyo saddexda sare waa wax weyn, laakiin waan arki doonaa.”

Mar uu ka hadlayay Michael Carrick, wuxuu yidhi:

“Waxaan la hadlay isaga in ka badan saacad, waxaana isku dayay inaan ku qanciyo inuu sii joogo, laakiin ugu dambeyntii waa inaan aqbalo go’aankiisa.”

Waxyaabihii kale uu ka hadlay Ralf Rangnick waxaa ka mid ah xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, wuxuuna yiri:

“Waa inaad la qabsato ciyaartoyda hadda, weligay ma arkin nolosheyda ciyaaryahan leh awoodan jireed oo ah da’ada 36, ​​laakiin arrinta kuma saabsana isaga oo kaliya, ee waa horomarinta liiska oo dhan.” Ayuu yiri macalinka cusub Man United ee Ralf.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close