Jürgen Klopp oo doonaya inuu ku xoojiyo difaaca Liverpool xiddig ka tirsan Barcelona

(Liverpool) 03 Dis 2021. Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa doonaya inuu xoojiyo kooxdiisa inta lagu jiro xilliyada soo socda, waxaana ka mid ah xulashooyinka uu heli karo daafaca da’ada yar ee naadiga Barcelona Ronald Araújo.

Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska Daily Mail ee dalka England, Liverpool ayaa durba bilowday wadahadalo ay ku doonayso inay ku soo qaadato daafaca da’ada yar ee Ronald Araújo, kooxda ayaana qorsheynaysa inay laba jibaarto mushaarkiisa si ay ugu qanciso imaatinka Reds.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in qandaraaska uu haatan kula jiro Ronald Araújo kooxda Barcelona wuxuu dhacayaa 2023, laakiin Liverpool ayaan noqon doonin kooxda kaliya ee xiiseyneysa adeegiisa, sidoo kale Chelsea ayaa xiiseyneysa saxiixa laacibkan.

Chelsea oo dooneysa inay xoojiso daafaceeda iyadoo la filayo inay macquul tahay inay baxaan daafacyadeeda Antonio Rudiger iyo Andreas Christensen.

Report: Liverpool Start Talks With Barcelona And Uruguay Defender Ronald Araujo To Replace Either Joel Matip Or Joe Gomez - Sports Illustrated Liverpool FC News, Analysis, and More

Araújo oo 22 sano jir ah ayaa u dhaqaaqay Barcelona 2018 isagoo ka yimid kooxda Uruguay ee Boston River, waxaana loo dalacsiiyay markii ugu horeysay kooxda koowaad bishii October 2020.

Daafacan reer Uruguay ayaa kooxda koowaad ee Barcelona kala qeyb galay 53 kulan oo tartamada oo dhan ah, isagoo dhaliyay 3 gool, wuxuuna sidoo kale caawiyay gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close