Arteta oo muujiyay sida uu kaga xun yahay guuldarradii kooxdiisa Arsenal ay kala kulantay Man United

(Manchester) 03 Dis 2021. Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay guuldarradii ay la kulmeen kulankii Manchester United.

Manchester United ayaa ku garaacday garoonkeeda Old Trafford kooxda Arsenal, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-2, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada 14-aad horyaalka Premier League.

Arsenal ayaa soo bandhigtay ciyaar wanaagsan inkastoo laga badiyay, balse qeybta labaad ayay dhibane u noqotay cadaadis xoogan oo kaga imaanayay Manchester United, waxaana ay iska qasaariyeen fursado.

Amazon Prime ayaa soo xigatay wareysi uu bixiyay tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta, kaddib ciyaarta waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Hadii saddex gool lagaaga dhaliyay Old Trafford, way adagtahay in natiijo lagu helo.”

“Waan niyad-jabay kaddib goolashii nalaga dhaliyay.”

“Waxaan awoodnay inaan xakameyno kubadda waqti dheer, qaab ciyaareed fiican ayaan sameynay, waxaana abuurnay fursado, markii ay aheyd 2-2, waxaan u baahneyn inaan dhisno dardargelinta si aan u guuleysano.”

“Waan ka helay hab-dhaqanka ciyaartoyda, marka aad laba gool ku dhaliso Old Trafford, waxa aad filaysaa in aad ciyaarta wax ka hesho, taasina waa nasiib darro, laakiin waa khaladkayaga.”

“Marka aad daawato ciyaarta waxaad dhihi kartaa wax badan ayaan u qalanay, laakiin taasi waa waxa dhaca marka aad la ciyaareyso dadka sida United oo kale ah.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close