Ancelotti oo si xiiso leh kaga hadlay arrimaha ku saabsan heshiiska Mbappé ee Real Madrid

(Madrid) 03 Dis 2021. Tababaraha kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa ka hadlay hadalkii Kylian Mbappé ee ahaa in riyadiisa tan iyo markii uu yaraa ay ahayd inuu xirto maaliyada Real Madrid.

Kylian Mbappe ayaa wali diidan in uu u cusboonaysiiyo heshiiska uu kula jiro kooxda Paris Saint-Germain kaas oo dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan, hadii ay arintu sidaas ku sii socoto ilaa bilowga bisha January ee soo aadan, Real Madrid ayaa xaq u yeelan doonta in ay si toos ah ula xaajooto xiddiga si ay lacag la’aan ugula wareegto xagaaga.

Ancelotti ayaa ka hadlay Mbappé, mar uu shir jaraa’id qabtay maanta oo Jimco ah, kahor kulanka ay Real Sociedad kula ciyaari doonaan habeen dambe horyaalka La Liga:

“Caruurtu waa inay riyadooda raacaan, markaan yaraa waxaan ku riyoon jiray inaan ka ciyaaro horyaalka Talyaaniga, waxaana ku guuleystay inaan riyadan gaaro.”

Waxa ay u muuqataa in Carlo Ancelotti uu doonayo in uu fariin cad u diro Kylian Mbappé, taas oo ah in Real Madrid ay sugayso xagaaga soo socda taasoo laga yaabo inay kordhiso xiisadda wada hadal ee u dhexeysa kooxda Los Blancos iyo Paris Saint-Germain maalmaha soo socda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close