Toni Kroos oo iska indho tiray magaca Cristiano Ronaldo!

(Madrid) 02 Dis 2021. Laacibka khadka dhexe ee kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Germany ee Toni Kroos ayaa iska indhatiray saaxiibkiisii ​​hore ee Cristiano Ronaldo kaas oo ah gool dhaliyaha ugu sarreeya taariikhda ee Los Blancos iyo mid ka mid ah halyeeyada ugu waa weyn kooxda, kaddib markii uu soo xushay shaxdiisa shan geesoodka ah ee ku saleysan halyayada Real Madrid ugu fiican.

Sidoo kale bogga rasmiga ah kooxda Real Madrid ee Youtube-ka ayaa lagu daabacay muuqaal muujinaya Kroos oo dooranaya shanta ciyaaryahan ee ugu wanaagsanaa halyeeyada kooxda Los Blancos, waxaana kooxdan uu doortay Toni ka maqan magaca Cristiano Ronaldo.

Kroos ayaa shaxdiisa goolhaye ugu doortay Iker Casillas, waxaana ku wehliyey daafaca bidix ee reer Brazil Roberto Carlos, sidoo kale Zinedine Zidane iyo ninka ay isku wadanka yihiin ee Uli Stielike, iyada oo shaxdan uusan ka reebin si uu dhanka weerarka kaga hoggaamiyo halyeeyga reer Spain ee Raul Gonzalez.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close