Salah oo ka hadlay dareenkiisa kaddib markii uu kaalinta toddobaad ka galay liiska abaal-marinta Ballon d’Or 2021

(Liverpool) 02 Dis 2021. Xiddiga reer Masar iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah, ayaa ka hadlay dareenkiisa kaddib markii uu kaalinta toddobaad ka galay sanadkan liiska abaal-marinta Ballon d’Or 2021.

Dhinaca kale, xiddiga reer Masar iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay inuu isku dayi doono inuu meel wanaagsan gaaro sannadka dambe.

Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah, ayaa xilli ciyaareedkan soo bandhigay ayaa xilli ciyaareedkan ku soo bandhigay qaab ciyaareed aan caadi aheyn kooxdiisa Liverpool, isaga oo xalay kulankii Merseyside derby ee horyaalka Premier League laba gool ka dhaliyay deriskooda Everton, kaasoo ugu dambeyntii ay Reds ku adkaatay 1-4.

Inkasta oo uu Salah xilli ciyaareedkan heerkii ugu fiicnaa gaaray, isla markaana uu 19 gool ku dhaliyay, 19 kulan uu ciyaaray, sidoo kale xilli ciyaareedkii hore, hadda wuxuu ka hooseeyaa Cristiano Ronaldo oo booska lixaad kaga dhameystay liiska abaal-marinta Ballon d’Or 2021, Jorginho, Kanté, Benzema, Lewandowski, iyo dabcan guuleystaha abaal marinta ee Lionel Messi.

Haddaba Salah oo la hadlay “Amazon” kaddib kulankii xalay ee Merseyside derby, ayaa wuxuu cadeeyay dareenkiisa codeyntii Ballon d’Or & inuu kaalinta toddobaad ka galay, wuxuuna yiri:

“Wax faallo ah ma hayo, laakiin waxaan rajeynayaa in aan meel wanaagsan ka galo sannadka soo socda.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close