Man United oo guul soo laabasho ah ka gaartay Arsenal oo marti u ahayd, xilli Ronaldo uu gaaray goolkiisii 800-aad… +SAWIRRO

(Manchester) 02 Dis 2021. Manchester United ayaa ku garaacday garoonkeeda Old Trafford kooxda Arsenal  oo marti u ahayd, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-2, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Manchester United iyo Arsenal ku kala nasteen barbardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 14-aad kooxda Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Smith-Rowe kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Mohamed Elneny.

44 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Manchester United ayaa dhalisay goolka barbardhac kaddib markii uu 1-1 ka dhigay Bruno Fernandes oo caawin ka helay Fred.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 52-aad Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 2-1 ka dhigay ciyaarta Ronalod kaddib markii ay caawin qurux badan kaga timid saaxiibkiis Rashford, Cristiano ayaana sidaas ku gaaray goolkiisii 800-aad ee xirfadiisa ciyaareed kubadda cagta.

Laakiin 55 daqiiqo marka ay mareysay Arsenal ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 2-2 ka dhigay Martin Ødegaard oo ay caawin kaga timid Martinelli.

70 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Manchester United ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay Cristiano Ronalod, dheesha ayaa sidaas ku noqotay 3-2 ay ku hoggaamineysay United-ka.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 3-2 ay kaga adkaatay Manchester United kooxda Arsenal oo ku soo booqatay garoonka Old Trafford, Red Devils ayaa guushaan waxay soo fariisatay booska 7-aad ee kala sareynta horyaalka Premier League.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close