Man City diyaar ma u tahay inay u tartanto hanashada Premier League? – Guardiola ayaa ka jawaabaya

(Manchester) 02 Dis 2021. Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in Citizens ay diyaar u tahay inay u tartanto hanashada horyaalka Premier League.

Manchester City ayaa xalay guul ka soo heshay kooxda Aston Villa oo ay ku booqatay garoonka Villa Park, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Premier League.

Haddaba Pep Guardiola ayaa kaddib ciyaarta wuxuu u sheegay shabakadda caalamiga ah ee “BBC”:

“Ciyaarta waxay ahayd mid cajiib ah oo adag, waan ognahay taas.”

Intaas kaddib Guardiola ayaa la waydiiyay haddii ay Man City diyaar u tahay in ay u dagaalanto hanashada Premier League, wuxuuna ku jawaabay:

“Manchester City waxay diyaar u tahay inay u dagaalanto hanashada horyaalka Premier League.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close