Barcelona oo war kasoo saartay halka ay marayaan wada-hadallada heshiis kordhinta ee Ousmane Dembele

(Barcelona) 02 Dis 2021. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa wali wada-xaajood kula jirta weeraryahankeeda Ousmane Dembele kaasoo ay doonayaan inay heshiiska ugu kordhiyaan waxayna marayaan meel wacan sida laga soo xigtay maamulka naadiga.

Inkastoo laacibkan lala xiriirinayo kooxaha Liverpool, Manchester United, Manchester City iyo Newcastle United, haddana madaxa fulinta naadiga Barca ee Ferran Reverter ayaa ku kalsoon inay heshiis cusub la gaari doonaan 24-sano jirkan.

“Dabcan, heshiiska Dembele waan cusbooneysiineynaa, balse waa laga yaabaa inay waqti qaadato maadaama aan wax badan qiimeyn doonno” ayuu Reverter yiri isagoo ka hadlayay mashruuca dib u dhiska garoonka Camp Nou.

Si kastaba ha ahaatee, xiddiga Faransiiska ah ayaa kula jira Blaugrana heshiis dhici doona dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxaana shaki weyn la gelinayaa inay heshiiska u kordhin karto dhaqaale xumida heysata darteed, hase ahaatee, maamulka ayaa kalsooni buuxda ka muujinaya inay cusbooneysiin karaan qandaraaska Dembele.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close