Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti oo go’aan ka gaartay bixitaanka Hazard iyo Isco… (Miyuu Janaayo iska iibinayaa?)

(Madrid) 01 Dis 2021. Tababaraha Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa la soo warinayaa inuu go’aan ka gaaray bixitaanka Eden Hazard iyo Isco ee bisha Janaayo.

Hoggaamiyaha Kooxda Los Blancos ee Carlo Ancelotti ayaa qaatay go’aankii ugu dambeeyay ee saxiixyada bisha Janaayo, isagoo diiday inuu meesha ka saaro iibka qaar ka mid ah xiddigihiisa, xilli ay jiraan hadal heyn ku saabsan bixitaanka Eden Hazard iyo Isco.

Carlo Ancelotti ayaa sheegay inay u badan tahay inay kooxda ka tagi doonaan Hazard iyo Isco, iyadoo la la xiriirinayo Real Madrid xiddigaha kala ah Kylian Mbappe iyo Antonio Rudiger oo ka kala tirsan PSG iyo Chelsea.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close