Real Madrid oo wali la qaban la’ayahay kaddib markii ay ka adkaatay Athletic Bilbao… +SAWIRRO

(Madrid) 01 Dis 2021.  Real Madrid ayaa wali la qaban la’ayahay kaddib markii ay 1-0 kaga adkaatay kooxda Athletic Bilbao oo ku soo booqatay garoonka Santiago Bernabéu, xilli kulankan uu ahaa mid labada kooxood horey loogu baajiyay kana tirsan horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Real Madrid.

Daqiiqadii 40-aad Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Benzema kaddib markii uu goolkan ka caawiyay laacibka khadka dhexe ee Modric.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 1-0 ay kaga adkaatay Real Madrid kooxda Athletic Bilbao oo ku soo booqatay garoonka Santiago Bernabéu, Los Blancos ayaa haatan ku hoggaamineysa 36 dhibcood horyaalka Spain waxayna  7 dhibcood nadiif ah ka sareysaa kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Atletico Madrid.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close