Man City oo guul ka soo heshay kooxda Aston Villa oo ay ku booqatay garoonka Villa Park… +SAWIRRO

(Birmingham) 01 Dis 2021.  Manchester City ayaa guul ka soo heshay kooxda Aston Villa oo ay ku booqatay garoonka Villa Park, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku googgaamineysay kooxda martida ahayd ee Manchester City.

Daqiiqadii 27-aad Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Rúben Dias kaddib markii uu caawin ka helay Raheem Sterling.

43 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Bernardo Silva oo caawin cajiib ah ay kaga timid saaxiibkiis Gabriel Jesus ayaa dhaliyay gool qurux badan, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaaminesay kooxda Manchester City.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 47-aad kooxda Aston Villa ayaa dhalisay waxaana ciyaarta 1-2 ka dhigay xiddigooda Ollie Watkins waxaana goolkan ka caawiyay Douglas Luiz.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-2 ay kaga soo adkaatay Manchester City kooxda Aston Villa oo ay ku booqatay garoonka Villa Park, City ayaa kaddib guushan ay gaartay waxay ka dhigan tahay in ay wali kaalinta labaad kaga jirto dhanka kala sareynta horyaalka waxayna leedahay 32 dhibcood.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close