Horudhac: Real Madrid vs Athletic Club… (Miyuu Eden Hazard ciyaari doonaa?)

(Madrid) 01 Dis 2021. Naadiga Athletico Club ayaa wajaheysa loollan adag oo ku aaddan inay hor istaagto awoodda la xakameyn la’yahay ee Real Madrid taasoo hoggaanka u heysa La Liga iyadoo aanan kulanka caawa ee horyaalka dalka Spain ciyaarin.

Los Blancos ayaa hoggaanka horyaalka ku heysa 33 dhibcood iyadoo ciyaartay 14-kulan, waxayna kulankeedii baaqday ciyaareysaa caawa, Athletic oo dhanka kulammada kala mid ah Madrid ayaa kaalinta siddeedaad la fadhisa 20 dhibcood.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Estadio Santiago Bernabeu

Garsooraha: Isidro Diaz de Mera (Spain)

Wararka Kooxaha:

Eden Hazard ayaa muddo kaddib kusoo laabtay safka kooxda Real Madrid, waxaase weli maqan Gareth Bale iyo Dani Ceballos, inta kalena waa u diyaar Macallin Carlo Ancelotti.

Dhanka Athletic Club, waxaa ka maqan difaacooda ugu muhiimsan ee Inigo Martinez kaasoo casaan loo taagay ciyaartii ugu dambeysay horyaalka oo ay kooxdiisa barbarraha la gashay Granada, halka xiddigo kalena ay dhaawac ku maqan yihiin.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Real Madrid:

Courtois; Carvajal, Militao, Alaba, Mendy; Kroos, Casemiro, Modric; Vinicius, Benzema, Asensio

Atheltic Club:

Simon; Lekue, Alvarez, Nunez, Balenziaga; N Williams, Vencedor, D Garcia, Muniain; I Williams, R Garcia

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close