Hakim Ziyech oo guul farta ka saaray Chelsea oo booqatay kooxda Watford… +SAWIRRO

(Watford) 01 Dis 2021.  Hakim Ziyech ayaa guul farta ka saaray Chelsea oo booqatay kooxda Watford, kaddib markii ay kaga soo adkaadeen 0-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Watford iyo Chelsea ku kala nasteen bar-bardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 29-aad kooxda Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Mason Mount waxaana goolkan ka caawiyay laacibka reer Germany ee Kai Havertz.

Laakiin 43 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Watford ayaa dhalisay goolka barbardhac iyada oo uu 1-1 ka dhigay Emmanuel Bonaventure oo caawin ka helay Sissoko.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 73-aad kooxda Chelsea ayaa markale hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-2 ka dhigay dheesha laacibkooda Hakim Ziyech kaddib markii uu caawin ka helay Mason Mount.

Ugu dmabeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-2 ay kaga soo adkaatay Chelsea kooxda Watford oo ay booqatay, kaddib guushan ay gaartay Blues waxay ka dhigtay inay difaacato hoggaaminteeda dhanka miiska kala sareynta horyaalka Premier League.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close