Chelsea oo diyaar u ah inay labo ka mid ah xiddigaheeda ka iibiso Kooxda Barcelona

(London) 01 Dis 2021. Kooxda kubadda cagta Chelsea ee ka dhisan caasimadda Ingiriiska ayaa la soo warinayaa inay diyaar  u tahay inay labo ka mid ah xiddigaheeda ka iibiso naadiga Barcelona.

Wargeyska SPORT ayaa warinaya in The Blues ay diyaar u tahay inay iska iibiso labadeeda Weeraryahan ee Ziyech & Werner.

Kooxda Chelsea ayaa diyaar u ah inay ka iibiso Barcelona Hakim Ziyech iyo Timo Werner sida laga soo xigtay Wargeyska SPORT.

Kooxda reer Spain ayaa la xiriirtay Chelsea si ay u helaan labadan ciyaaryahan ka hor inta uusan furmin suuqa kala iibsiga xiddigaha ee bisha Janaayo.

Ziyech iyo Werner ayaa labadaba la iibin karaa, iyagoo raadinaya koox ay daqiiqado badan u ciyaaraan, laakiin waa la arki doonaa haddii Barca ay awoodi doonto inay buuxiso dalabaadka Chelsea ee ku saabsan qiimaha labadan xiddig.

SPORT English on Twitter: "New contact between Chelsea and Barcelona over  Ziyech and Werner https://t.co/heKQNWt8cs" / Twitter

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close