Manchester City oo diyaar u ah inay heshiiska u kordhiso mid ka mid ah xiddigaheeda ugu muhiimsan

(Manchester) 30 Nof 2021. Naadiga Manchester City ayaa dadaallo badan gelineysa sidii ay qandaraaska ugu kordhin lahayd qaar ka mid ah xiddigaheeda udub-dhexaadka ah, waxayna markan diiradda saareysaa sidii ay wada-xaajood heshiis kordhin ah ula bilaabi lahayd xiddigeeda garabka ka ciyaara ee Riyad Mahrez.

Shaun Goater raises Riyad Mahrez question ahead of new Premier League  season for Man City - Manchester Evening News

30-sano jirkan ayaa kaliya saddex kulan kusoo bilawday horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, waxaase uu kusoo bilawday dhammaan shanteedii kulan ee wareegga guruubyada tartanka Champions League halkaas oo uu ka sameeyay bandhig heer sare ah.

Wargeyska The Sun ayaa sheegay inay maamulka Man City dadaalkooda isugu geynayaan sidii ay laacibkan heshiis waqti dheer ah kaga saxiixan lahaayeen iyadoo macallinka kooxda ee Pep Guardiola uu maamulka ku cadaadinayo inay mustaqbalka Mahrez ka dhigaan mid hubanti ah sanadaha soo socda.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda difaacaneysa horyaalka Ingiriiska ayaa dhowaan heshiisyo cusub la meel dhigtay qaar ka mid ah xiddigaheeda waaweyn, waxaana la filayaa inuu kabtanka Algeria noqdo xiddiga xiga ee heshiis qandaraas kordhin ah ogolaado.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close