Juventus oo halis ugu jirta inay u laabato heerka labaad iyo in laga soo celiyo horyaalkeedii ugu dambeeyay xilli ay baaris xooggan ku socoto… (Muxuu yahay dambiga lagu heysto?)

(Turin) 30 Nof 2021. Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa markale wajihi karta fadeexo weyn iyadoo halis ugu jirta in laga soo celiyo horyaalkii ugu dambeeyay ee ay qaadday iyo in loo diro ka ciyaarista horyaalka heerka labaad ee dalka Taliyaaniga haddii lagu helo dambiga ah inay isticmaashay koontooyin been-abuur ah.

Xafiisyada Juve ee magaalooyinka Turin iyo Milan ayaa baaris xooggan wajahay maalmihii lasoo dhaafay iyadoo la hubinayo waraaqaha qaan-sheegadka iyo kuwa muujinaya dhaq-dhaqaaqa xisaabteeda, waxaana baarista ay si gaar ah ugu qotontaa saxiiyadii ay sameysay intii u dhexeysay 2019 illaa 2021 iyo kuwa ay iibisay waxayna gaarayaan illaa 42 heshiis oo ay qayb ka yihiin saxiixyadii Cristiano Ronaldo, Joao Cancelo, Arthur Melo iyo Danilo.

Bianconeri ayaa lagu soo eedeeyay inay ka been sheegtay qiimaha xiddigaha ay soo iibsaneysay iyo kuwa ay iska iibineysay, waxaana baaritaanka uu si gaar ah ugu fooraraa guddoomiyaha kooxda ee Andrea Agnelli, ku xigeenkiisa Pavel Nedved iyo agaasimahoodii hore ee Fabio Paratici kaasoo ka howl gala haatan naadiga Tottenham.

Si kastaba ha ahaatee, CODACONS oo ah waaxda ay howshan quseyso ayaa laga soo xigtay inay The Old Lady u boqooli doonto horyaalka Serie B isla markaana dib looga xayuubin doono horyaalkii Serie A ee ay hanatay xilli ciyaareedkii 2019-20 markaas oo uu hoggaaminayay Maurizio Sarri haddii lagu helo dambiyada ay baarista ku socoto.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close