War la isuma hayo, Barcelona iyo Manchester United oo dhanka suuqa isku gaad-gaadaya… (Xiddigahee ayay kala doonayaan?)

(Barcelona) 29 Nof 2021. Naadiga Barcelona ayaa suuqa bisha January ee sanadka soo aaddan dooneysa inay sameyso ugu yaraan hal saxiix oo ay dhanka weerarka ku xoojiso, waxaana bartilmaameedyadeeda ku jiro xiddigo dhowr ah oo ka ciyaara horyaalka Premier League.

Anthony Martial ayaa ka mid ah bartilmaameedyada Barca kaasoo mustaqbalkiisa Manchester United shaki weyn la gelinayo kaddib markii uu lumiyay booskiisa shaxda koowaad, waxaana lala xiriirinayaa Blaugrana iyadoo warbaahinta Ara ay sheegtay inay xitaa labada naadi ka wada-xaajoonayaan iibka 25-sano jirkan.

Dhinaca kale se, Red Devils ayaa baacsaneysa Ousmane Dembele oo garbaha kaga ciyaara Barca inkastoo qorshahooda saxiixa xiddigii hore ee Dortmund uu yahay suuqa xagaaga kahor bilawga xilli ciyaareedka dambe sida ay baahisay majaladda Mundo Deportivo.

Dembele on the right track – Deschamps

Si kastaba ha ahaatee, qandaraaska 24-sano jirkan ayaa dhici doona dhammaadka fasalkan, iyadoo ay Barcelona la tacaaleyso kordhinta heshiiskiisa inkastoo macallinkiisa Xavi Hernandez uu sheegay inuu Dembele ku faraxsan yahay sii joogista Camp Nou.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close