Maxay tahay abaal-marinta uu ku guuleystay xiddiga Manchester City ee Kevin De Bruyne?

(Manchester) 29 Nof 2021. Xiddiga kooxda kubadda cagta Manchester City ee Kevin De Bruyne ayaa ku guuleystay abaal-marinta kubbad-sameeyaha ugu fiican sanadkan 2021.

De Bruyne ayaa ku guulaysatay abaal-marinta kubbad abuuraha ugu fiican sanadkan 2021-ka oo ay bixiso Xiriirka Caalamiga ee Taariikhda Kubbada Cagta iyoTiro-koobyada ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (IFFHS).

Isagoo halay 160 dhibcood, Kevin De Bruyne, Kubbad-sameeyaha Belgium iyo Manchester City ayaa loo caleemo saaray sanadkii labaad oo isku xigta abaal-marinta kubbad-abuuraha ugu fiican sanadkan 2021 ee ay bixiso IFFHS.

Kevin ayaa sanadkii 2020-kii ka horreeyey Lionel Messi oo ah 4 jeer ku guulaysta abaal-marinta ay bixiso IFFHS sanadihii 2015, 2016, 2017 iyo 2019, isagoo helay 55 dhibcood.

Xiddiga xulka qaranka Belgium ee De Bruyne  ayaa abaal-marintan ku garaacay xiddigo ay ka mid yihiin Bruno Fernandes, Thomas Muller iyo Jorginho oo ka mid noqday shanta xiddig ee ugu sarreeyey abaal-marintan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close