Man City oo garoonkeeda Etihad saddexda dhincood kaga qaadatay kooxda West Ham… +SAWIRRO

(Manchester) 28 Nof 2021. Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad saddexda dhincood kaga qaadatay kooxda West Ham, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadka 13-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

Daqiiqadii 33-aad kooxda Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay laacibkooda khadka dhexe ee İlkay Gündoğan.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

90 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Fernandinho oo caawin ka helay saaxiibkiis Gabriel Jesus ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxdiisa Manchester City.

Daqiiqadii 90 + 5 kooxda West Ham ayaa dhalisay gool waxaana ciyaarta 2-1 ka dhigay laacibka khadka dhexe ee Manuel Lanzini.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-1 ay Manchester City kaga adkaatay kooxda West Ham oo ku soo booqatay garoonka Etihad, City ayaa kaddib guushan ay gaartay waxay soo gashay booska labaad ee dhanka kala sareynta horyaalka Premier League, waxayna leedahay 29 dhibcood.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close