Kooxaha Chelsea iyo Manchester United oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Stamford Bridge… +SAWIRRO

(London) 28 Nof 2021. Kooxaha Chelsea iyo Manchester United ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Stamford Bridge, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 1-1 ah, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadka 13-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee dheesha ayeey labada kooxood Chelsea iyo Manchester United ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 50-aad kooxda martida ahayd ee Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay laacibkooda da’ada yar ee Jadon Sancho.

69 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Chelsea ayaa loo dhigay rigooro waxaana gool ka dhigay laacibkooda khadka dhexe ee Jorginho, waxayna dheesha sidaas ku noqotay barbardhac 1-1 ah.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay barbardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Chelsea iyo Manchester United, kaddib ciyaar aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Stamford Bridge, Blues ayaa wali hal dhibic ku hoggaamineysa horyaalka, iyada oo aruursatay 30 dhibcood, halka United oo ku jirta kaalinta siddeedaad ay heysato 18 dhibcood.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close