Horudhac: Real Madrid vs Sevilla… (Xiddig muhiim ah oo kusoo laabtay safka Los Blancos & Rikoorrada is-araggan))

(Madrid) 28 Nof 2021. Mid ka mid ah kulammada ugu xiisaha badan horyaalka La Liga ayaa caawa la ciyaari doonaa marka ay Real Madrid soo dhoweyso naadiga Sevilla.

Los Blancos ayaa haatan hoggaanka horyaalka la wareegtay kaddib guulo muhiim ah oo ay heshay kulammadii dambe waxayna booska ugu sarreeya horyaalka la fadhisaa 30 dhibcood kaddib 13 kulan, halka kooxda gobolka Andalusia ay kaalinta saddexaad la joogto 28 dhibcood xilli dhanka kulammada ay kala simman tahay kooxda ay u martineyso caawa.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Estadio Santiago Bernabeu

Garsooraha: Jose Sanchez (Spain)

Wararka Kooxaha:

Real Madrid ayaa dib usoo dhoweyneysa xiddigeeda khadka dhexe ee Federico Valverde oo dhaawac kasoo laabtay, waxaase weli maqan Eden Hazard, Dani Ceballos iyo Gareth Bale.

Dhinaca kale, Sevilla ayaa walaac ka muujineysa maqnaashaha xiddigo muhiim ah sida Youssef En-Nesyri iyo Jesus Navas oo aan la heli doonin illaa sanadka cusub, si la mid ah waxaa safka caawa laga reebay Erik Lamela iyo Suso oo dhaawacyo yaryar qaba.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:

Real Madrid ayaa guuldarro ka fogaatay 30 ka mid ah 31-kii kulan ee ugu dambeysay La Liga halka Sevilla ay guuldarro la’aan tahay lixdii ciyaarood ee ugu dambeysay horyaalka.

Madrid ayaanan guuldarro kala kulmin Sevilla 16-kii is-arag ee ugu dambeeyay garoonkeeda tartammada oo dhan.

Los Blancos ayaa haatan uruursatay 30 dhibcood kaddib 13 kulan, waana dhibciheedii ugu sarreeyay heerkan oo kale tan iyo xilli ciyaareedkii 2016/17.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Real Madrid:

Sevilla:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close